Cabasho laga muujiyey xirnaanshaha qeybo ka mid ah waddada Maka Al-Mukarama

Maka Al-Mukarama Muqdisho

Tan iyo wixii ka danbeeyey qaraxii 29-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe, ayaa sababo amni awgeed dowlada Soomaaliya u xirtay waddada xiriirisa Sayidka illaa Isgoyska dabka, halkaas oo ay ku yaallaan mehrado ganacsi oo aad u fara badan.

Haddaba dadka xarumaha ganacsi ku leh wadadaasi ayaa xilligan ka cabanaya hoos u dhac ku yimid ganacsigooda sababo la xiriira xirnaanshaha wadadaaasi.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa Muqdisho ka soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Cabasho laga muujiyey xirnaanshaha qeybo ka mid ah waddada Maka Al-Mukarama