Xulka Germany oo ka haray Koobka Adduunka

Xulka afarta jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa mar kale laga saaray Koobka Adduunka ee heerka guruubyada, afar sano kadib markii ay sidan oo kale waji gabax kala kulmeen koobkii lagu qabtay Ruushka, xilligaas oo ay difaacaneenayeen koobka.

Kadib guuldarradii kasoo gaartay ciyaartii ay kaga hortageen Costa Rica Khamiistii oo laakiin ay 4-2 ku badiyeen ayaa tababaraha xulka Germany Hansi Flick wuxuu sheegay Jarmalku ku qasban yahay isbedel degdeg ah.

"Waxaan aaminsanahay mustaqbalka kubada cagta Jarmalka inaan u baahanahay in qorshihiisu aan u sameyno si ka duwan tababarka," ayuu yiri Flick, oo la wareegay macalinimo Jarmalka kadib Koobkii Yurub ee sanadkii hore. “Muddo sanado ah waxaan ka hadlaynaa goolhayeyaal cusub iyo garbaha, laakiin Germany mar walba waxay awood u leedahay inay is difaacdo. Waxaan u baahanahay in aan aas-aaska wax ka bedelno" ayuu raaciyay tababare Flick.

"Mustaqbalka, 10-ka sano ee soo socota, aad ayey muhiim u tahay in diirada la saaro jiil cusub ee ciyaartoy ah"

Imaatinkii Qatar, waxaa Jarmalka guuldaradii furitaanka ay kasoo gaartay Japan taas oo dejisay marxalad niyad jab leh, kadib markii 2-1 ay Japan ku badisay, waxaana raaca barbardhac 1-1 ah oo ay la galeen Spain.

Japan oo sidoo kale 2-1 uga badisay Spain ayaa kusoo baxday kaalinta koowaad ee qeybtan E, halka Spian ay kaalinta labaad ugu soo baxday qaab gool tirsi ah.

Costa Rica oo ay Spain uga soo badisay 7-0 ayaa raacday Germany oo ka huleeshay Qadar.

Ciyaarta ayaa sidoo kale ahayd mid taariikh ahaan xusid mudan maadaama garsooraha Faransiiska Stéphanie Frappart ay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee dhex dhexaadisa ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka ee ragga.

AFP.