Washington —
In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay maleeshiyada Al-shabaab ku qaadeen duleedka deegaanka Nuur-Dugle shalay.
Dad rayid ah oo ay ku jiraan waayeel ayaa la sheegey inay ka mid yihiin dadka ay Al-shabaabku ku dileen deegaankaas.
Haddaba, weerarkan ugu danbeeyey iyo howlgalada ka socda gobolka Sh. Dhexe ayey Falastin Ahmed Iman ka wareysatey Xildhibaan Yasin Farey oo hore u soo noqdey ku-simihii hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Your browser doesn’t support HTML5