Xulalka Ghana iyo Cameroon oo ka huleelay Koobka Adduunka

Xulalka Ghana iyo Uruguay ayaa ka haray Koobka Adduunka, kadib markii ay wada ciyaareen kulan adag oo ka tirsanaan qeytbta H, waxaana kulankaas 2-0 ku adkaaday Uruguay, hase yeeshe laduba waxay ka huleeleen Qadar.

Gool dhammaankii ciyaarta uu xulka South Korea u dhaliyay ciyaaryahankooda Hwang Hee-chan ayaa sababay in South Korea 2-1 ay kaga badiyeen Portugal, waxayna u soo baxeen wareega 16 ka ee Group H, kaas oo sidoo kale sababay niyad jabka Uruguay.

Portugal ayaa ku soo baxday kaalinta 1-aad ee Group-kan, halka South Korea ay soo gashay kaalinta 2-aad.

Dhinaca qeybta G, xulka Cameroon ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee ka badiya Brazil, kadib markii ay 1-0 kaga adkaadeen ciyaartii ka dhacay garoonka Lusali.

Vincent Abubakar ayaa dhaliyay goolka Cameroon, laakiin guusha Cameeroon ayaa noqotay mid aan waxtar laheyn maadaama xulka Swetzerland uu 3-2 uga soo badiyay Serbia.

Qeybta waxaa kasoo baxay Brazil iyo Swetzerland, halka Cameroon iyo Serbia ay ka shiraacdeen Qadar.

Ciyaarihii shalay ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee kulamada groupyada, iyada oo maanta ay bilaaban doonaan kulamada weegga 16-ka ee kala baxa ah.

AP.