Jaamacadda Muqdisho oo baaritaan wadnaha ah u sameyneysa 100 carruur

Jaamacadda Muqdisho

Kuliyadda daaweynta iyo qalliinka ee Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay maanta billowday olole caafimaad oo baarintaan loogu sameynayo ku dhowaad boqol carruur oo ah bukaan, kuwaas oo ka xanuunsanayo wadnaha.

Baaritaankaan oo ha mid bilaash ah ayaa waxaa sameynaya Dr. Maxamed Axmed Maxamed oo ku taqususay xanuunnada ku dhaca wadnaha.

Waalidiin badan ayaa la siin doonaa inta ay howshaan socoto talooyin caafimaad oo la xiriira xaaladda ubadkooda iyo sida wax looga qaban karo.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Jaamacadda Muqdisho oo baaritaan wadnaha ah u sameyneysa 100 carruur