Wareysi: Shir dhaqaale loogu uruurinayo ardayda barakacayaasha dunida oo ka socda Geneva 

Magaalada Geneva ee dalka Swetzerlnd waxaa maanta lagu soo gabagabeynaa shir looga hadlayo sidii lagu caawin lahaa ardayda caalamka kasoo jeedda qoysaska danyarta ah gaar ahaanna barakacayaasha.

Shirkan ayaa la filayaa in lacag gaareysa hal bilyan iyo bar loogu deeqo sanduuq lagu taageerayo ardaydaasi oo aanay reerohoodu awoodda u lahayn inay ka bixiyaan qarashka waxbarashada.

Shirkaasi waxaa Soomaaliya u matalayay Xuseen Axmed Siraad oo kamid ah dadka sida mutadawacnimada ah wax u bara ardayda barakacayaasha. Jacfar Kukay ayuu khadka ugu warramay.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka ardayda barakacayaasha.mp3