Dagmada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa toddobaad ka hor ku dhuftay daadad xooggan oo ka dhashay roobab halkaas ka da’ay, kuwaasi oo barkiciyey in ka badan 10,000 oo qoys oo ka mid ah bulshada Baardheere, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka degmada Baardheere.
Sidoo kale Dowladda Federaalka oo ka jawaabeysa dhibaatada ka dhalatay fatahaadahaasi ayaa gaarsiisay ilaa toban diyaarad oo siday gargaar cunooyin ah, iyadoona sicir barar baahsana uu ka jiro Baardheere.
Warbixin arrimahaas ku saabsan waxaa ino soo diray Wariyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad.
Your browser doesn’t support HTML5