Tirada ardayda Somaliland ee u fadhiisanaysa imtixaanaadka oo korodhay

Hargeysa

Wasaaradda waxbarashada ee Somaliland ayaa sheegtay inay tirada ardayda ee dugsiyada sare iyo dhexe ay kordheen sannadihii u danbeeyey marka la eego tirada ardayda ee u fadhiisatay Imtixanaadka afartii sano ee u danbeeysay sida uu sheegay Gudoomiyaha Xafiiska Imtixanaadka Somaliland Dauud Axmed Faarax.

Guddoomiye Daauud ayaa sheegay in sannadkii ugu dambeeyey inay imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare ee Somaliland inay u fadhiisteen in ka badan 37,000 oo arday, taas oo 43% ay hablo ahaayeen.

Faahfaahinta korodhka waxaa warbixintan kasoo diray weriyahayaga Hargaysa Khadar Maxamed Cakule

Your browser doesn’t support HTML5

Korodhka ardayda ee Somaliland