In ka badan 130 qof oo ku dhintay roobab mahiigaana oo ka da'ay Rwanda

People stand next to a building that collapsed in torrential rains, in western Rwanda, May 3, 2023.

People stand next to a building that collapsed in torrential rains, in western Rwanda, May 3, 2023.

Masuuliyiinta dalka Rwanda ayaa sheegay inay sii wadayaan baadigoobka iyo samatabixinta dadka ay dhibaatada gaadhsiiyeen roobabkii mahiigaanka ahaa ee toddobaadkan ka da'ayey dalkaas, kuwaas oo sababay daadad aad u xoog badan oo ku fatahay gobollada woqooyiga, galbeedka iyo xatta gobollada koonfureed ee dalkaas.

Daadadkaas xooggan ayaa sababay dhimashada 130 qof, halka ay burburiyeen kumanaan guri.

Masuuliyiinta dawladda Rwanda ayaa sheegay inay indha-indhayn ay ku sameeyeen goobaha ay dhibaatadu ka dhacday, waxayna sheegeen inay filayaan in tirada dhimashadu ay sare u kacdo, maadaama laga yaabo inay dad badani ku hoos jiri karaan dhoobada iyo qashinta ay sababeen daadadku.

Ku xigeenka afhayeenka dawladda Alain Mukuralinda ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 77 qof ay dhaawac yihiin, kuwaas oo 36 ka mid ahi ay weli yaallaan cusbitaallada, sida uu sheegay subaxnimadii hore ee Khamiistii.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in dawladdu aanay weli ogayn tirada rasmiga ah ee dadka ku guryo beelay roobabkan mahiigaanka ah, maadaama weli la wado, qiimaynta khasaaraha, hase ahaatee wuxuu ku qiyaasay in guryaha ku burburay inay ka badan yihiin illaa 5000 oo guri.

Warbixintan qaybo ka mida waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters.