Bandhigga VOA: Saameynta khilaafka dowladda Federaalka iyo Puntland 

Khilaaf ayaa ka dhex aloosan dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, iyada oo dhawaan Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu ku eedeeyay madaxda Puntland inay wiiqayaan mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin shaqaaleysiinta 400 oo macalimiin iyo hanaanka deyn cafinta.

Puntland ayaa dafirtay eedeymaha Ra'isul Wasaaraha.

Bishii Janaayo madaxda Puntland waxay ku dhawaaqeen in maamulkoodu si madax-banaan u dhaqmi doonoo, ilaa inta afti dadweyne loogu ansixinayo dastuurka dowladda Federaalka.

Barnaamijka Bandhigga ee toddobaadkani waxa uu ku saabsan yahay xiriirka Dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyada. Waxaa soo diyaarisay, soona jeedinaya Sahra Cabdi Axmed.

Your browser doesn’t support HTML5

05-11-23 BANDHIGGA.mp3