AC Milan ayaa ceyrisay agaasimeheedii farsamada Paolo Maldini, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda Serie A-da Talaadadii.
Maldini, oo 54 jir ah, ayaa kusoo laabtay kooxda sagaal sano kadib markii uu ka fariistay ciyaaraha kubada cagta, waxaana loo dalacsiiyay doorka agaasimaha farsamada ee Rossoneri 2019, wax ka yar hal sano kadib markii uu noqday agaasimaha istaraatiijiyada isboortiga iyo horumarinta.
“AC Milan waxa ay ku dhawaaqaysaa in Paolo Maldini uu soo gabagabeeyay doorkiisa kooxda, laga bilaabo June 5, 2023,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay kooxdu.
Difaacii hore ee Talyaaniga ayaa 25-sano oo xirfadiisa ciyaareed ah ku qaatay Milan, waxaana uu ahaa kabtanka waayahoodii ugu guulaha badnaa, isagoo kula guuleystay shan Champions League, toddobo Serie A, afar European Super Cups iyo Koobka Kooxaha Adduunka, kahor inta uusan ka fariisan ciyaaraha isagoo 41 jir ah.
Maldini, kaalin weyn ku lahaa in Milan ku guulaysato horyaalka Seria A 2021-22, taasoo aheyd markii ugu horeysay muddo toban sano ah, isaga oo sidoo kale kooxda keenay ciyaartoy ay ka mid yihiin Rafael Leao, Theo Hernandez, Oliver Giroud, iyo Fikayo Tomori.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Talyaaniga, bixitaankii Maldini ayaa la sheegay inay ka naxeen ciyaartoyda Milan.
Reuters.