Brazil oo weli bartilmaameedsanaysa tababare Ancelotti 

Brazil ayaa wali dooneysa inay Carlo Ancelotti ka dhigto macalinkooda cusub, iyada oo guddoomiyaha xiriirka Brazil Ednaldo Rodrigues uu sheegay inuu isticmaali doono saaxiibada xulka qaranka ee Yurub, si uu ula hadlo tababaraha Real Madrid.

Rodrigues ayaa sheegay inuu sidoo kale la xiriiri doono guddoomiyaha kooxda Spian Florentino Perez, waxaana uu ku tilmaamay Ancelotti dooqa koowaad ee badalka Tite, kaasoo ka tagay xulka Brazil, kadib markii ay ku hareen wareega 8da ee Koobka Adduunka ee Qatar bishii November.

"Wuxuu Ancelotti sii ahaanayaa Qorshayaha koowaad" ayuu Rodrigues Talaadadii ku sheegay munaasabad jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta CBF ee Rio de Janeiro.

Brazil ayaa 17-ka June Spain la ciyaari doonta dalka Guinea iyo Senegal oo ay 20-ka bishan magaalada Lisbon ee dalka Portugal kula ciyaari doonto.

Reuters.