Shir ku saabsan doorasho qof iyo cod ah oo lagu qabtay Galmudug

Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa lagu soo xiray shir muddo laba maalmood ah ka socday, kaas oo looga hadlayey sida dowlad loo dhan yahay ay uga hanaqaadi karto guud ahaan deegaannada Galmudug, islamarkaana loo gaari karo doorasho qof iyo cod ah oo laga qabto maamulkaasi.

Ka qeybgaleyaasha shirka ayaa dhageystay daraasado laga sameeyey dadaalka loo soo maray in maamul laga yagleelo deegaannada Galmudug, iyo sidii loo tayeyn lahaa nidaamka dowladnimo ee deegaannadan ka hanaqaaday.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa ujeedka shirkan waxa uu ka wareystay Cabdulqaadir Diiriye oo ah Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Wadahadallada Galmudug ee GRD.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka tayaynta nidaamka dawliga ah ee Galmudug