Dad ku dhintay shil tareen oo ka dhacay dawlad degaanka

Ogaden region of Ethiopia

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay, halka ay 25 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib markii uu shil tareen ka dhacay qabalaha Ceel-baxay oo ka tirsan degmada Shiniile ee gobolka Siti ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Shilkan ayaa yimi ka dib markii tareen ka yimi dalka Djibouti ay isku dhaceen, gaadhi nooca xamuulka ah oo ku sugnaa wadada tareenka.

Weriyaha VOA ee Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa ayaa dhacdadan ka waraystay Ku xigeenka Duqa magaalada Shiniile Zakariye Maxamed Cabdi.

Your browser doesn’t support HTML5

Shilka tareen ee ka dhacay gobolka SITI