Ra’iiusl Wasaaraha dalka the Netherlands (Holland) Mark Rutte ayaa kula kulamy magaalada The Hague boqorka dalkaasi King Willem-Alexander iyagoo ka wada hadlay sidii doorasho uu dalkaasi u aadi lahaa kadib markii xalay xukuumadda wadaaga ah ee uu hogaamiyo Rutte ay dhacday markii 4-ta xisbi ee dalkaasi ay isku khilaafeen sida siyaasadda qaxootiga dalkaasi ku soo badanaya.
Haddaba, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa khadka taleefanka ee Rotterdam kula xiriiray Bile Gurxan oo ah saxafi si dhow ula socda siyaasadda dalkaasi, waxaa uu weydiiyay sida qaxootiga dalkaasi, gaar ahaan Soomaalidu ay u arkaan dowladda dhacday. Ugu horreynse, Bile Gurxan ayaa ka hadlaya afkaaraha ay aaminsan yihiin xisbiyada dalkaasi.
Your browser doesn’t support HTML5