Helsinki —
Soomaalida ku nool dalka Finland ayaa walaac ka muujinaya sare u kac ay sheegeen in uu ku yimid falalka cunsuriyadda ama naceybka ajaaniibta dalkaasi ku nool, tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii bishii April ka dhacday, Finland taas oo uu ku guuleystay isbahaysiga dhinaca midigta.
Isbahaysigan ayaa soo dhisay xukuumad wadaag ah oo uu doorweyn ku leeyahay xisbiga xagjirka ah ee ka soo horjeeda muhaajiriinta dalkaasi.
Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa khadka telfoonka kula xiriiray Axmed Xasan Towxiid oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland, waxaana uu ugu horreyn weydiiyay waxa uu walwalkoodu ku saleysan yahay.
Your browser doesn’t support HTML5