Saacadihii lasoo dhaafay waxaa wararka Soomaaliya hareeyey muran ku saabsan gabar ku ordaysa magaca Jaamacadaha Soomaaliya oo ka qaybgashay tartanka Jaamacadaha dunida ee lagu magacaabo FISU, oo sannadkan lagu qabtay magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha.
Gabdhaas ayaa wareeggii hore ee is-reeb-reebka ka gashay meel aad u hoosaysa. Arrintan ayaa dhalisay in su’aalo la iska weydiiyeyo diyaargarowga tartankan ee jaamacadaha.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Barre oo la hadlay warbaahinta dawladda federaalka ayaa sheegay inaysan wasaaraddu lug ku lahayn sida lagu soo xulay gabadhaas, waxaase uu ballanqaaday dabagal iyo xisaabsan.
"Wixii maanta (shalay) dhacay maahen mid munaasib ku aheyd ummadda Soomaaliyeed. Waan ka xumahay. Waan ka raalligelineynaa bushada Soomaaliyeed" ayuu Maxameda Barre u sheegay warbaahinta dowladda.
Nasra Abuukar Cali ayaa u oroday si ay taageereyaasha Soomaaliya iyo kuwa isticmaala baraha bulshada ay ugu yeereen 'mid murugo leh' ayaa ku dhammeysatay orodka koowaad ee isreebreebka Ciyaaraha Jaamacadaha Adduunka ee FISU ee ka socda magaalada dalka Shiinaha.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan.
Your browser doesn’t support HTML5