Hoggaamiyayaasha cusub ee milatariga ee dalka Niger ayaa sheegay inay hayaan caddaymo ku filan oo ay sharciga kula tiigsadaan madaxweynihii la af-gambiyey ee dalkaasi Maxamed Bazuum oo ay ku eedaynayaan khiyaano qaran, iyo inuu amniga qaranka wax u dhimay.
Dhinaca kale hoggaamiyayaasha milatarigu waxay sheegeen inay diyaar u yihiin xal diblomaasiyadeed iyadoo dhinaca kale Isbahaysiga Glabeedka Afrika ee ECOWAS ay ku hanjabayso farageolin milatari.
Haddaba hanjabaadda kooxdan maxay ka dhigan tahay? Su’aashaas ayaa Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan uu ka waraystay Cabdinuur Ibraahim Cabdalla oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo amniga, kuna sugan London.
Your browser doesn’t support HTML5