Cumar Cabdirashiid: Waa in aan dowladda ku taageerno ciribtirka Al-Shabaab

Cumar Cabdirashiid

Ra'isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya lagu taageero dagaalka ka dhanka ah Al-shabab, sida uu ku sheegay qoraal uu kusoo daabacay bartiisa shabakadda X oo hore u aheyd Twitter.

"Al Shabab waxay khatar ku tahay jiritaankeenna, waana inaan ku taageernaa dowladda dadaalka ay ugu jirto ciribtirka khatartaas" ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo laba jeer soo noqday Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

"Sida cad, dib-u-habaynta xeeladaha iyo ciidamada waa lagama maarmaan, laakiin waa inaan sidoo kale qirno shaqada wanaagsan ee ay ciidamadeenna xoogga dalka iyo kuwa difaaca madaniga ay ka qabteen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab" ayuu raaciyay.

Baaqa Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'isul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble ay ku baaqeen in la taageero dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa toddobaadkii tegay dib u dhacyo kala kulmay dagaalka Al-Shabaab, ayaga oo Isniintii dib uga soo gurtay magaalooyinka Ceel Dheer, Masagaway, Budbud iyo Galcad, oo ay ka qabsadeen Al-Shabaab.