Al-shabaab oo laga saaray degmada Bacaadweyne, Qaycad iyo Shabeelow

Xoogga

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ee ku sugan maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada dawladda iyo kuwa degaanku ay qabsadeen degmada Bacaadweyne iyo degaannada Qaycad iyo Shabeelow, maanta.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in degaannada la qabsaday kadib dagalalo kooban oo dhacay Axaddii.

Taliyaha ciidamada daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa VOA u sheegay in dagaalladu saaka dhaceen, al-Shabaabna laga saaray degaannadaas.

Dhinaca kale, ciidamo kale oo kuwa degaanka ah iyo kuwa dawladda ayaa la sheegay inay kusii jeedaan degaanka Camaara. Degaannada ayaan ka tirsan gobolka Mudug.

Dhinaca kale, ciidamada degaanka iyo maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa la sheegya inay isku hor-fahdiyaan degaan u dhow Cali Fool Dheere oo ka tirsan gobolka Shabeellda Dhexe.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ciidamada dawladda iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah ay beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabaab degaano ku yaalla Bariga webiga Shabeelle shalay.

Ciidamada degaanka ayaa la sheegay inay doonayaan inay al-Shabaab u wada tallaabiyaan dhinaca galbeed ee webiga Shabeelle.