Dadkii ka barakacay dabkii baabi’iyey Milxo oo gargaar la gaarsiiyay

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha

Muddo toddobaad ah kadib waxaa gargaarkii ugu horeeyey oo ka tagay dhinaca magaalada Booaaso uu gaaray maantay tuulada Milxo oo 14-kii September dab xoogan oo ka kacay bartamaha magaalada uu burburiyey inta badan guryihii degaanka iyo goobahii ganacsiga.

Dabkaas ayaa sababtay in muddo asbuuc ah inay dadkii deganaa guryaha gubtay ay hoy ka dhigteen togaga iyo geedaha hoostooda aan ka fogayn tuulada gubatay.

Weriyah VOA Faadumu Yaasiin Jaamac ayaa kahdka Telifoonka ku waraysatay Cali Aadan Siciid oo ka mid ah dadka ku nool tuulada Milxo ee uu dabku wax yeeleyey, waxaana uu ka waramayaa xaalada ay ku sugan yihiin Dadka deegaankaas iyo gargaarka la gaarsiiyay.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga gargaarka Milo