Nairobi —
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo dhoweeyey go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku go’aamiyey in ciidamo loo diro dalka Haiti ee ku yaalla gobolka Kariibiyaanka oo ay dawladda ka awood bateen kooxo hubaysan oo dambiilayaal ah.
Kenya ayaa horey ugu yaboohday inay hoggaamiso ciidamo caalami ah oo loo diro Haiti oo dhan kun askari.
Haddaba tallaabadan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Nuur Cabdow Axmed oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuququda aadanaha, kuna sugan Waqooyi Bari Kenya.
Your browser doesn’t support HTML5