Bayaan kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay inay gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, {Taakeeye } oo ay sheegtay in waayihii dambe uu 'faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta.'
"Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay Magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed." ayaa lagu yiri bayaanka NISA.
NISA ayaa intaas ku dartay "NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed."
Toddobaadkii hore, Sidoo kale waxay NISA sheegtay in lasoo xiray Sakariye Kamaal Aba-Sheekh oo lagu eedeeyay in uu hub soo tahriibin jiray oo Kenya lagu waayay maalmo ka hor inta aysan Soomaaliya xaqiijin in gacanta lagu dhigay.