Tel Aviv —
Dowladda Israel ayaa Axaddii si rasmi ah ugu dhawaaqday dagaal ka dhan ah ururka Xamas ee Falastiiniyiinta, iyada oo ka jawaab celinaya weerarkii lama filaanka ah ee Xamas ay subaxnimadii Sabtidii ku qaadeen Israel.
Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu dagaal kula jiro Xamas, hase ahaatee warkaasi muu ahayn mid rasmi ah.
Si kastaba golaha wasiirada ee Israel ayaa Axaddii si rasmi ah ugu codeeyey go'aanka ku dhawaaqista dagaalka, kaas oo rasmi noqday.
Warbixin ay VOA-da ka diyaarisay wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Bariga Dhexe waxaa soo jeedinaya wariyaha VOA Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue).
Your browser doesn’t support HTML5