Muddo haatan laga joogo 6 sano oo ku beegneyd 14-kii October 2017-kii, magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax baalka xusuusta murugada ka galay taariikhda Soomaaliya, kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof in ka badan 1,000 qofna ay ku dhaawacmeen.
Qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo ka dhacay isgooska Zoobe dadkii ku dhaawacmay waxaa ka mid ahaa wariyaha VOA, Cabduqlaadir Maxamed Cabdulle.
Maanta ayuu tagay isgoyska si uu u milicsado xusuustii qaraxaas, waxaana uu halkaasi kula kulmay Abuukar Xassan Cariif oo qaraxaasi ku waayay lugtiisa, wareysigan ayuuna la yeeshay.
Your browser doesn’t support HTML5