Pakistan: Mintidiin weeraray saldhig ciidamada cirka, iyo khasaaraha ka dhashay

Milateriga Pakistan ayaa sheegay Sabtida maanta ah weerar ay malayshiyo hubaysan ku qaadeen saldhig lagu tababaro ciidamada cirka ee magaalada Mianwali ee bartamaha dalkaasi uu waxyeelo gaarsiiyay saddex diyaaradood, waxaana uu weerarku yimid maalin ka dib weeraro dhawr ah oo ka dhacay meelo kale oo dalka ka mid ah oo lagu dilay 22 qof, oo u badan askar.

War ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay dileen saddex ka mid ah dableydii weerarka qaadday ka hor inta aysan gudaha u gelin saldhigga, ayna lix kale ku dileen iska-horimaad xigay. Waxa ay ciidanku sheegeen in “jawaab degdeg ah oo wax ku ool ah ay ciidamadu ku bixiyeen” si ay u fashiliyaan weerarka “argagixiso” iyo "hubinta amniga iyo ammaanka shaqaalaha saldhigga.”

“Si kastaba, intii uu weerarku socday, waxaa sidoo kale dhacay burbur soo gaaray saddex diyaaradood iyo booyad shidaal” ayay ciidanku ku sheegeen bayaanka ay soo saareen.

Koox cusub oo mintidiin ah oo lagu magacaabo Tehreek-e-Jihad Pakistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Kooxda ayaa dhowr jeer oo hore weeraro qaraxyo ah ku beegsatay ciidamada ammaanka. Waxaa ka mid ahaa weerar bishii Luulyo lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaal koonfur-galbeed gobolka Baluchistan oo lagu dilay 12 askari.

Weerarka maanta lagu qaaday saldhiga ciidamada cirka ayaa yimid maalin kadib markii kooxaha hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ciidan oo ku sugnaa degmada Gwadar ee Baluchistan, halkaasi oo ay ku dileen 14 askari. Degmadu waxa ay martigelisaa dekedda Arabian Sea ee uu Shiinuhu maamulo.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka Gwadar, balse waxaa lagu tuhmayaa malayshiyada qowmiyadda Baloch oo si joogta ah u beegsada ciidamada ammaanka ee aaggaasi.

Waxa ay sheegeen in ay u dagaallamayaan madax-bannaanida Baluchistan oo ah gobol qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah. Kooxahan waxa ay ku eedeeyaan Shiinaha iyo Pakistan in ay ka faa'iidaystaan saliidda, naxaasta, dahabka, birta, iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah ee gobolka. Labada dal ayaa eedeymahan iska fogeeyey kuna tilmaamay kuwa aan sal iyo raad toona laheyn.