Widodo oo baaqa Muslimiinta ee xabbad-jooginta Gaza soo gaarsiiyay madaxweyne Biden

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo, ahna madaxweynaha waddanka ugu Muslimiinta badan dunida ayaa Isniintii shalay Aqalka Cad kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, waxaana uu soo gaarsiiyay farriin uu ka siday 57 dowladood oo dunida Muslimka ah, taasoo ay kaga dalbanayeen inuu ku cadaadiyo Israa'iil xabad joojin laga hirgeliyo Gaza.

Wariyaha VOA-da uga soo warranta Aqalka Cad Patsy Widakuswara ayaa warbixintan inoo diyaarisay, waxaana soo koobaya Xusen Barre Aaden.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixnta kulanka Biden iyo Joko