Israa'iil ayaa isbitaalka Shifa siisay hal saac oo ay dadku halkaasi uga baxaan, sida uu sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka AFP oo ku sugan isbitaalka.
AFP ayaa ku warrantay in ciidamada Israel ay u sheegeen agaasimaha isbitaalka Maxammed Abu Salmiya in uu hubiyo “in laga saaro bukaannada, dhaawacyada, barokacayaasha iyo shaqaalaha caafimaadka, ayna u lugeeyaan dhanka xeebta.”
Israa'iil ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in qolal ka hooseeya isbitaalka ugu weyn Gaza ay ku jiraan dagaalyahannada Xamaas.
Your browser doesn’t support HTML5
Israa'iil ayaa horay ugu baaqday in dadka laga saaro isbitaalka, balse shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in ay yaallaan bukaanno aan la rari karin.
Koronto yaraanta ka jirta isbitaalka Shifa ayaa sababtay in ay dhintaan bukaanno ay ka mid yihiin dhallaan.
In ka badan 2,000 oo bukaan ah, shaqaale iyo Falastiiniyiin ku barokacay isbitaalka ayay hoy ka dhiganayay Shifa tan iyo markii ay Arbacadii gudaha u galeen ciidamada Israel sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Waxaa la arkayay tiro dad ah oo bukaanno iyo kuwo dhaawac qaba oo qaarkood ay lug ka go’neyd, barakacayaal, dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad, kuwaasi oo ka baxay isbitaalka Al-Shifa, kuna sii jeeday dhanka xeebta, iyadoo aan haysan gaadiidka gurmadka deg-degga ah, waxaana qaraxyo waaweyn laga maqlay agagaarka xarunta.
Wariye ka tirsan AFP ayaa arkay ugu yaraan 15 mayd oo yaallay waddo ay ku yaallaan dukaamo si xun u burburay.
Shirkadda isgaarsiinta Falastiiniyiinta ee Paltel ayaa sheegtay in ay qayb ahaan dib u soo celisay adeegyadii taleefoonnada iyo internet-ka ee Gaza ka dib markii shixnad shidaal la geeyay halkaasi.
Shixnaddii ugu horreysay oo ku dhow 17,000 oo litir oo shidaal ah ayaa ka gudbay marinka Rafax ee Masar goor dambe oo Jimcihii ah, sida uu sheegay sarkaal Falastiini ah uu u sheegay AFP.
Israel oo wajahaysa cadaadis kaga yimid Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay in ay oggolaan doonto in waxoogaa sahal shidaal ah la keeno Marinka Gaza, iyadoo maalintii saddexaad oo xiriir ah xayirtay kolonyada sidda gargaarka Qaramada Midoobay.