Dhimashada fatahaadaha Jubaland oo korortay

Maamulka Jubbaland ayaa shegay inay korordhen khasaaraha nafaadeed iyo maaliyadeed ee ay geesteen fatahaadihii dhuftay deegaanada maamulkaasi, iyadoo ku dhowaad nus milyan ruux ay ku barakaceen.

Tirada dhimashada fataahadaha ayaa gaartay Jubbaland 20 ruux iyadoo ay go’doonsan yihiin in ka badan 100 kun oo qoys meelaha qaar, waxaa sidoo kale go’an waddooyin muhiim u ahaa nolosha dadka iyadoo ay adag tahay in meelaha qaar la gaaro, si gargaar loogu geeyo.

Agaasimaha Wasaarada Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane ayaa wariyaheenna Aadan Kismaayo uga warramay xaaladda fatahaadaha.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga khasaarah da