Booliska iyo kalluumaysatada Indonesia ayaa maanta sheegay in ay bilaabeen in ay gaaf-wareegaan qaybo ka mid ah gobolka ugu galbeedsan dalkaasi si ay uga hortagaan qaxootiga Rohingya in ay ka soo degaan xeebahooda, ka dib markii ay bishan dalkaasi soo gaareen ku dhawaad 1,100 xubnood oo ka tirsan dadka laga tirada badan yahay lagu dhibaateeyay dalkooda Myanmar.
Kumannaan ka tirsan bulshada Rohingya ee u badan Muslimiinta ayaa sanad walba naftooda ku biimeeya safarro dhanka badda ah oo ay uga soo socdaalaan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Bangladesh, iyagoo inta badan raaca doomo aan wanaagsaneyn, si ay isugu dayaan in ay gaaraan Malaysia ama Indonesia.
Iyadoo ay baddu deggan tahay bishan ayaa doomo sida boqollaal qof oo Rohingya ah oo ka yimid Bangladesh ay gaareen gobolka Aceh, iyadoo dadka deegaanku ay isku dayeen in qaar ka mid ah doomahaasi ay celiyaan.
Kalluumeysatada, booliiska maxalliga ah iyo cutubyo ka tirsan milatariga ayaa dhammaan roondo ka sameeyay xeebta si ay uga hortagaan muhaajiriin soo gaarta gobolka.
Khubarada ayaa walaac ka muujiyay in Indonesia ay noqon doonto dalka xiga ee adkeyn doona xuduudihiisa si uu uga hortago qaxootiga Rohingya in ay yimaadaan, iyadoo Malaysia, Thailand iyo India ay dhamaantood joojinayaan imaatinkooda.
Qaar badan oo ka mid ah dadka gobolka Aceh ayaa muddo dheer naxariis u muujinayay dhibka haysta walaalahooda Muslimiinta ah.
Laakiin qaarkood ayaa sheegaya in dulqaadkoodu uu yaraaday, waxayna ku andacoonayaan in Rohingya ay cunaan kheyraad yar ee gobolka haysto ayna mararka qaar isku dhacaan dadka deegaanka.
In ka badan hal milyan oo Rohingya ah ayaa tan iyo 1990-meeyadii ka qaxay Myanmar, iyadoo intooda badan ay ka carareen howlgalladii milatari ee 2017-kii oo dad badan ku qasbay in ay degaan xeryo ku yaalla Bangladesh.
AFP