Maalinta AIDS-ka oo laga xusay Muqdisho iyo Jigjiga

Maalinta AIDS ee Jigjiga

Sanad kasta maanta oo kale 1-da bisha December waxaa dunida laga xusaa maalinta wacyigelinta iyo ku baraarugga xanuunka HIV/AIDS.

Sanad kasta waxaa hal-ku-dheg u ah fariin gaar ah. Sanadkan waxaa hal-ku-dhiggu yahay – “Bulshadu hoggaanka ha qabato”

Hay’adda caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sannadkan sheegtay in dadka xanuunka la nool iyo hoggaamiyeyaasha dhallinyarada ay muhiim u ahaayeen jawaabaha laga bixinayey daryeelka dadka la nool iyo ka hortagga xannuunka HIV/AIDS.

Meelaha sanadkan laga xusay waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho iyo magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Warbixinadan waxaa soo kala diray weriyayaasha VOA-da ee Muqdisho iyo Jigjiga, Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste iyo Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta maalinta AIDS-ka ee Muqdisho

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta maalinta AIDS-ka ee Jigjiga