Saraakiisha caafimaadka ee Jubaland ayaa uga digay bulshada halista caafimaad ee ka imaan karta biyihii ka haray roobabkii daadadka sababay ee barakiciyay dad u badan beeraley.
Saraakiisha ayaa ka cabsi qaba cuduro ka dhasha biyahaas oo illaa iyo iminka dhex ceegaga waddooyinka iyo dhul beereedyada.
Dhaqtar Axmed Maxamed Xuseen Cirro, oo ah agaasimaha isbitaallada Daryeel ee magaalada Kismaayo, ayaa arimahaasi uga warramay wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.
Your browser doesn’t support HTML5