Falanqayn: Sidee ugu habboon oo loo samayn karaa dib u heshiisiin dhab ah?

Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa dabayaaqadii toddobaadkii hore soo gebagabeysay shir ku saabsanaa hannaanka dhab u heshiinta qaranka, waxaana lagu soo bandhigay qaabka ugu haboon ee gudaha dalka dib u heshiisiin waarta looga sameyn karo.

Haddaba wariyaheena magaalada Muqdisho Xasan Kaafi Qoyste ayaa dadaallada dib u heshiisiinta iyo waxyaabaha loo baahan yahay in laga heshiiyo ka wareystay Jaamac Cabdulaahi Cigaal (Gaabuush) oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha dib u heshiisiinta, sidoo kalana hore u soo noqday la taliyaha arrimaha dib u heshiisiinta ee xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysiga Jaamac Gaamush