Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jaamacadda Carabta ka dalbatay shir degdeg ah oo ay iskugu yimaadaan wasiirrada arrimaha dibadda ururkaas.
Shirkaas ayey Soomaaliya dooneyso inay wasiirada uga wadahadlaan "cawaaqibka ka dhalan kara in si sharci-darro ah loo dhammeeyo heshiiska is-afgaradka ah ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Maamul Goboleedka Somaliland,", sida ay shaacisay warbaahinta dowladdu.
Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya, ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi.
"Ururka Jaamacadda ayaa looga baahan yahay in Arrintaan laga qaato mawqif midaysan oo Carbeed, lagana jawaabo xadgudubka cad ee ay Itoobiya ku hayso madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaan ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Bayaankan ayaa intaas ku daray in safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheikh Cumar uu shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay Ururka Jaamacadda Carabta u gudbisay codsigan.