Ciidamada QM oo ka baxaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

DRCONGO-UNREST-rdc-congo

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa Sabtida maanta ah bilowday ka bixitaanka dalkaasi ee ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, sida uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, iyadoo qorshuhu yahay in ciidamadu ay sanadkan dhammaadkiisa ka wada baxaan dalkaasi.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa dalbatay in ciidamada QM ay dalkaasi ka baxay xilli ay QM ka walaacsan tahay rabshadaha ka socda bariga dalka.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii December u codeeyey in la aqbalo dalabka Kinshasa ee ah in howlgalka QM ee MONUSCO oo dalkaasi joogay tan iyo 1999-kii uu si tartiib tartiib ah ciidamadiisa uga saaro Kongo.

Inkastoo xaalad kacsananaan gudaha ah ay dalkaasi ka jirto haddana dowladda ayaa muddo bilo ah ku baaqeysay in ay baxaan ciidamada nabad ilaalinta.

Kinshasa ayaa u aragta ciidamada QM in ay yihiin kuwa aan wax tar u lahayn ka ilaalinta dadka rayidka ah ee kooxaha hubeysan iyo maleeshiyaadka muddo sodon sano ah dhibaatada ku haya bariga DRC.