Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Asmara

President Isaias Afwerki and President Hassan S. Mohamud

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka degay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, waxaana tegitaankiisu ka dambeysay marti-qaad uu ka helay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel.

Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay dalkaasi ku joogaan laba maalmood oo ah booqasho shaqo.

"Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga difaaca, amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka." ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Villa Somalia.

Eritrea ayaa kumannaan askar Soomaali ah ku tababarta dalkaasi.