Muqdisho —
Qiimaha lagu iibiyo raashiinka qutul daruuriga ah ee Soomaaliya ayaa kordhay xilli lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Dhaqaale yahanka Soomaalida ayaa qaba in arrintaan ay salka ku hayso mashaakil dabiici ah iyo saameyn uga timid dhibaatada badda cas iyo qalalaasaha ka taagan meelo kamid ah caalamka.
Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow oo la kulmay qaar kamid ah ganacsatada, dadka badeecadaha iibsada iyo dhaqaalayahannada ayaa warbixin soo diray.
Your browser doesn’t support HTML5