Warbixino: Sida looga ciiday Jabuuti, Jigjiga iyo Nairobi

Ciidda Jigjiga

Magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika ayaa waxaa maanta si isku mid ah looga dabbaaldeggay munaasabadda Ciidul-Fitriga.

Magaalada Jigjiga, ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa ka mid ahayd goobaha maanta looga dabbaaldegay munaasabadda Ciidul-Fitriga. Madaxweynaha Dowlad-deeggaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ka mid ahaa madaxda dadka kala qeybgalay salaadda ciidda.

Sidoo kale, waxaa si weyn looga ciiday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, halkaasi oo kumaaan qof ay usoo baxeen munaasabadda ciidda.

Dhanka, kalena qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ayaa si weyn ugu dabaal degay munaasabadda Ciidda

Warbixinadan waxaa soo kala diray weriyaha VOA ee Jigjiga Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa iyo Ramadaan Muuse.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Jigjiga

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Jabuuti

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Kenya