Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukunno kala duwan ku ridday mas'uuliyiin ka tirsanaa dawladda Soomaaliya. Maxkamadda ayaa qaar ka mida saraakiishaasi sii daysay, kuwana iyaga oo maqan danbi ku weysay, halka qaar kalena ay ku xukuntay xabsiyo kala duwan.
Mas'uuliyiin uu ka mid yahay agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo agaasimihii hore ee Cashuuraha Berriga ayaa maxkamaddu ay wax dembiya ku wayday.
Haddaba faahfaahinta warkaas waxaa innoo haya Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
Your browser doesn’t support HTML5