Madaxweynaha Koonfur Afrika oo baaq soo saaray kadib natiijadii doorashada

Cyril Ramaphosa

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa Axaddii ugu baaqay xisbiyada siyaasadeed ee dalkaasi inay ka gudbaan khilaafaadkooda oo ay isugu yimaadaan meel dhexe si ay u dhistaan dawlad wadaag ah oo qaran oo ah tii ugu horeysay ee dimoqraadiyada curdunka ah.

Khudbad toos ah ayuu Ramaphosa sidaasi ku yiri ka dib markii lagu dhawaaqay natiijadii ugu dambeysay ee doorashada taasi oo xaqiijineysa in uusan jirin xisbi ku guuleystay aqlabiyadda codbixintii todobaadkii hore.

Warbixin ay qortay Associated Press waxa inoo soo koobaya Ibraahim Xasan Daandurey.

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo baaq soo saaray kadib natiijadii doorashada