Stockholm —
Shir muddo todobaad ah ka socday magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa lagu soo bandhigay khatarta caafimaad ee ka dhalata haraaga ay soo qubaan warshadaha sameeya dharka, weelka wax lagu cuno, qalabka iyo saliidaha baabuurta, iyo sidoo kale cuntooyinka qasacadaysan qaarkood.
Sidoo kale waxyaabaha ay ka mid yihiin bacaha wax lagu rito, weelka ka samaysan caagga iyo Kiimikooyin badan oo laga helo waxyaabo guryaha lagu isticmaalo, kuwa la isku qurxiyo iyo sunta cayayaanka lagaga buufiyo dhirta ayaa lagu lafa guray sida ay uga daran yihiin caafimaadka dadka iyo deegaankaba.
Haddaba Sahra Ciidle Nuur ayaa warbixintan arrimahaas ku eegaysa.
Your browser doesn’t support HTML5