Minneapolis: 5 Soomaali ah oo lagu helay dambi la xiriira kiiskii Feeding our Futer

Guddi xeer-beegti ah ayaa Jimcihi shalay danbi ku helay shan qof oo ka mid ah ilaa 70 eedeysane oo Soomaali u badan oo loo heysto dacwado la xiriira musuq maasuq lagu sameeyay, barnaamij lagu quudiyo carruurta gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka.

Xeer-beegtida ayaa danbi ku waayay Saciid Shaafici Faarax iyo Cabdiwahab Macallim Iftin oo ka mid ahaa 7 qof ee ugu horreysay ee ay kiisaskoodu maxkamadda federaalka ee Minnesota dhageysatay.

Haddaba faah-faahinta arrintan ayuu Nuur Xasan Nuur ka wareystay, Amin Harun, oo ah garyaqaan ka howlgala gobolka Minnesota.

Your browser doesn’t support HTML5

Dambi lagu helay shan Soomaali ah