Ciidamada Jubaland oo deegaan muhiim ah ka qabsaday Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka ee Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo iskaashanaya ayaa shalay kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Buuloxaaji oo qiyaastii 80 km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Kismaayo kadib markii ay qaadeen wajiga koowaad ee howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Buuloxaaji ayaa waxaa isaga baxay kooxda A-Shabaab ka hor inta ciidamada is garabsanaya aysan gudaha u galin.

Wasiirka warfaafinta ee Jubaland Cabdifataax Maxamed Mukhtar oo khadka teleofonka ee magaalada Kismaayo aan kula xiriirnay ayaa arrimahaas uga warramay Cabdulqaadir Maxamed Mursal.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada Jubaland oo deegaan muhiim ah ka qabsaday Al-Shabaab