Wareysi: Puntland oo sheegtay in ay qabatay hogaamiye burcad-badeed

eedeysane burcad badeed

Bartamihi bishii April ee sanadkan ayaa koox hubeysan oo burcad badeed Soomaali ah waxaa sida la sheegay ay madax furasho shan milyan oo dollar gaareysay ku sii daayeen Markab nooca xamuulka qaada oo lagu magaaco MV Abdullah, kaas oo muddo bilo ah ay afduub ugu heysteen xeebaha Puntland.

Booliska Puntland ayaa shalay xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen nin ay ku sheegeen hogaamiyihii kooxdaasi burcad badeeda ah, ka dib howlgalo ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah waqooyiga magaalada Galkacyo.

Haddaba soo qabashada ninkan iyo arrimaha burcad badeedda ayey Faadumo Yaasiin Jaamac ka wareystay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali Jiffo oo ay khadka taleefanka ee Gaalkacyo kula xiriirtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Puntland oo sheegtay in ay qabatay hogaamiye burcad-badeed