Wararkiu ugu danbeeyay ee dagaalka Gaza

Taangiyada Israel oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aanan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano drones-ka, ayaa kusii siqay gunta dhinaca galbed ee degmada Rafax ee koofurta Marinka Gaza.

Saraakiisha caafmaadka iyo dad goob joog ah ayaa sheegay in ciidamada Israel ay Arbacadi shalay Rafax ku dileen ugu yaraan siddeed qof, kuwaas oo intooda badani ku dhintay madaafiicda cirka iyo kuwa taangiyada ee ay labeegsadeen xaafadda Al-Mawasi.

Al Mawasi oo u dhaw dhinaca xeebta Gaz ayaa waxaa u qaxay boqollaal kun oo qoys oo ka cararay Rafax, kaddib weerarki ay ciidanka Israel ku qaadeen Rafax.

Dadka xaafadda Al-Mawasi ayaa sheegay in ciidanka Israel ay gubeen dhowr guri oo ku yaalla galbeedka Rafax, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan kala bar dadka rayidka ah ee u qaxay Rafax.

Duqeymo kale oo ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen koofurta Gaza Arbacadi shalay, ayay ku dileen ilaa 12 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay wakaaladda wararaka ee Reuters u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Dadka lagu dilay duqeyntaasi ayaa la sheegay in ay sugayeen kolonyo gaadiid ah oo raashin gargaar ah u waday Gaza, kuwaas oo laga soo gudbiyay marinka Karem Shalom ee jidka Salaaxuddiin ee waqooyibari ee Rafax.

Dagaalka ay Israel ku qaadday Gaza oo soo billowday bishii October, kaddib weerarki ay Xamaas ku qaadday koofurta Israel, ayaanan u muuqan mid dhawaan soo gaba gaboobayo, kaddib marki ay fashilmeen dhowr isku day oo lagu rabay in xabbad-joojin lagu kala dhex dhigo Israel iyo Xamaas.