Siyaasi ka tirsan xisbiga Wadani oo Maxkamadda Hargeysa la horgeeyay, warbixin

Hargeysa

20-kii bishan, afaafka hore ee Garoonka dayuuradaha ee magaalada Hargeysa waxaa ka dhacay mudahaarad rabshado watay, iyadoo dhagax tuur iyo rasaas ay isweydaarsadeen mudaaharaadayaasha iyo booliska.

Mudaaharaadka ayaa salka ku hayay xarig loo geystay siyaasi Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga mucaardka ah ee Wadani oo xilligaasi ka soo dagayayey garoonka.

Booliska iyo Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa sheegay in siyaasigan loo heysto sida ay hadalka u dhigeen dambiyo is dabajoog ahaa oo uu dhowrkii sano ee ugu danbeeyay uu ka galay Somaliland.

Maanta ayaa siyaasigaasi maxkamadda Hargeysa la hor geeyey, iyadoo maxkamaddu ay go’aamisay in muddo toddobaad ah baaris la xiriirta eedaha loo heysto lagu sameeyo, xabsigana dib loogu celiyo.

Wariyaha VOA, Xamza Cali Jeesto, ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso warbixinta oo dhan