Muqdisho oo xalay laga xusay munaasabadda 26-ka June

Xuska 26-ka June

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabadda 26-ka June oo ku saabsan maalintii Gobollada Waqooyi ee Somalia ee hadda loo yaqaanno Somaliland ay ka xorooboon gumeystahii Ingiriiska.

Sanadkaan 64 sano kadib, waxaa munaasabaddaan lagu qabtay Muqdisho xilli Soomaalidu ay aad u kala qeybsantahay.Somaliland ayaa horay u sheegtay in midnimadii ay la gaartay Koonfurta Soomaaliya ay la soo noqotay, inkasta oo aysan helin ictiraaf iyo aqoonsi buuxa, haddana waxaa xaaladda sii adkeeyay sanadkaan khilaafka dhinaca badda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee kasoo cusboonaaday Gobolka.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin ku saabsan munaasabaddii xalay inoo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta 26 June.m4a