Dagaal beeleed dad badan ay ku dhinteen oo mar kale ka dhacay Mudug

Dagaal

Inta la xaqijiyay 10 qof ayaa dhimatay tiro kalana way ku dhawacmeen dagaal maanta ka dhacay waqooyi bari ee gobalka Mudug.

Dagaalka oo u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed oo halkaa wada dagan ayaa sida dadka deegaanku ay VOA u xaqiijiyeen waxa uu salka ku hayaa dilal horey uga dhacay deegaano hoos taga Afbarwaaqo ee gobalka Mudug

Mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland oo VOA ay la xiriirtay ayaa u sheegay inay wadaan dadaalo lagu joojinayao dagaalka.