Inkasta oo hayb sooca ama takoorka qabiilka ku salaysan aanu diin iyo dhaqan midna salka ku hayn, haddana muddo dheer ayuu ka dhex jiraa Soomaalida.
Lama xaqiijin karo xilligii uu soo billowday iyo sababaha keenay in qaybo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah hayb sooc ama takoor lagula kaco.
Waayahan dambe waxa muuqata in hab dhaqankaa takoorku uu soo yaraanayo, marka la eego goobaha waxbarashada iyo macaamilka guud ee bulshada, balse caqabadda ugu wayn ee illaa haatan jirtaa waa dhinaca guurka iyo is-dhexgalka Soomaalida ee xididka iyo xigaalka ku bahooba.
Qabiilooyinka kale ee Soomaalidu way kala guursataan, deegaano kasta oo ay ku kala nool yihiin iyo dawlado kasta oo ay kala yihiin, balse wali waxa jira beelo ka mid ah Somalida oo aan ilaa hadda loo ogolayn xuquuqda guurka oo aan loo arag gayaan la mid ah dhiggooda wiilal iyo gabdho ba leh.
Dhibaato badan ayay maraan wiilasha iyo Gabdhaha ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ee guursada dhigooda beelaha wax haybsooca ka soo jeeda.
Sahra Ciidle Nuur, ayaa warbixintan arimahaa ku eegaysa.
Your browser doesn’t support HTML5