Madaxweyne Xasan oo mar kale tegay furimaha dagaalka

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale maanta booqasho ku tagay mid ka mid ah degaannada ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ee ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira ururka al-Shabaab.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada, Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhan ah argagixisada.

Dawladda Soomaaliya ayaa tan iyo badhtamihii sannadkii 2022-ka wadday guluf ka dhan ah al-Shabaab oo ay ku qabsatay dhul ballaaran.

Warkan waxaa inoo haya Cabduqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxweyne Xasan oo mar kale tegay furimaha dagaalka